updated on:

Wednesday, April 11 2012

News   Cayaaraha  
Arsenal oo £9 million ku dooneysa Carlton Cole PDF Print E-mail
Wednesday, 06 January 2010 12:07

Arsenal ayaa waxay isu diyaarineysaa sidii ay £9 million ugu iibsan laheyd weerar yahan Carlton Cole oo u safta naadiga kubada cagta ee West Ham

Tababare Arsene Wenger ayaa sheegay in uu doonayo in uu kusoo biiriyo naadigiisa cayaaryahan Carlton Cole oo ah dhameystir wanaagsan una safta kooxda West Ham

Arsenal ayaa baryahaanba dhibaato ka heysatay dhanka weerarka kadib dhaawac soo wajahay weerar yahanada Robin van Persie iyo Nicklas Bendtner inkastoo

Bendtner lagu wado inuu kusoo laabto tababarka maalinnimada Jimcaha

Dhanka kale Carlton Cole ayaa lagu waday inuu isaga hayaamo naadiga West Ham xili ciyaareedkan iyadoo naadiga West Ham-na laga yaabo inay fasaxdo ciyaartoydeeda qaar dhaqaalo xumi awgeed

kooxo badan oo ka dhisan dalka Ingiriiska iyo Spain ayaa baadi goob xoogan ugu jira laacibkan reer England isagoo xili ciyaareedkanna u saxiixay 7 goal naadigiisa West Ham

 

 

 

Diirad News Desk

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

 

 

 

Diirad News Desk

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Last Updated on Wednesday, 06 January 2010 14:40
Written by Diirad News Desk-Somalia