| Tababare Giovanni Trapattoni oo loo dhiibayo xulka qaranka Turkey. |
|
|
|
| Sunday, 03 January 2010 20:06 |
|
Wargeysku wuxu sheegay in xiriirku uu kala doortay dhowr tababare oo caan ah oo ay ka mid yihiin tababaraha xuka Ruushka Guus Hiddink iyo Joachim Loew oo ah tababaraha xulka Germany, hase ahaatee ugu dambeyntii ay go’aansadeen in xilkooda uu la wareego tababaraha xulka qaranka K/cagta ee wadanka Ireland Giovani Trapattoini. Arrintan ayaa timid kaddib markii tababarihii hore ee xulka Turkey Fatih Terim uu is ka carsilay xilka tababarenimada xulkiisa, kaddib markii uu ku guul dareystay in xulku u soo baxo koobka adduunka ee 2010 ka dhacay wadanka South Africa. Trapattoni ayaa xiriirka Turkey u sheegay inuu u baahan yahay waqti uu go’aan ku soo gaaro, iyadoo ay dhici karto in si rasmi ah uu jagadaas ula wareego. |
| Written by Diirad News Desk-Somalia |









Sida uu maanta qoray wargeysaka Fanatik ee ka soo baxa wadanka Turkiga, xiriirka K/cagta ee wadankaas ee Turkish Football Association (TFF) ayaa qorsheynaya in xulka qarnka wadankooda uu macallin u noqdo tabaraha u dhashay wadanka Talyaaniga ee Goivanni Trapattoni.
Qeybi Maqaalkan