updated on:

Wednesday, April 11 2012

News   Cayaaraha  
Doorashadii xiriirka k/cagta oo la dhaliilay PDF Print E-mail
Wednesday, 04 August 2010 00:46

MUQDISHO: Yaasiin Abuukar Cariif iyo Ahmed Sinko oo ah 2 nin oo laga yaqaa Sportiga Soomaaliya isla markaana jagooyin kala duwan ka soo qabtay ayaa ka soo horjeestay doorashadii 19 kii bishii hore ka dhacday Hotelka Saxafi  ee Magaalada Magaalada Muqdisho

Axmed Faarax Weheliye Cadoow Sindiko oo ku sugan wadanka holland lana hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu si weyn uga soo horjeedo waxa uu ku tilmaamay doorasho la been abuuray oo ka dhacaday Muqdisho waxa uuna sheegay Axmed in uu la xiriiray FIFA isla markaan ay u sheegeen in aysan aqoosan doonin doorashadii Hotel Saxafi isagoona sheegay iney been abuur tahay aqoonsiga ay sheegteen xiriirka k/cagta Saxafi lagu doortay sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu intaa ku daray in ay dacwad u gudbin doonaan maxkamada qaada danbiyada Sportiga Caalamaka uuna la xiriiray DKM Soomaaliya wasiirkeeda sportiga uuna u sheegey in wixii ka dhacay hotel saxafi ay ahaayeen wax la soo dhoo dhoobay isla markaana la tir tiray qaar ka mida ah kooxihii ka qeyb qaatay doorashadii Baydhabo sanadkii 2006dii uuna ka codsaday in faragelin lagu sameeyo arrimaha doorashadii ka dhacaday muqdisho

Dhanaka kale Yaasiin Abuukar Cariif oo horey u soo noqday xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa sheegay inuu si weyn uga soo horjeedo doorashadii ka dhacday hotel Saxafi  isla markaana uu dhankiisa dacwad ka dhan ah u gudbin doono FIFA iyo CAF, uuna ka codsan doono in la xaliyo qilaafka u dhaxeeya iyaga iyo hogaanka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Yaasiin waxa uu sheegay in uu la soo xiriiray Cabdi Qani Sacaiid Carab 16kii bishii tagtay,  isla markaan uu weydiiyay xilliga ay dhaceyso doorashada xiriirka waxa uuna ii sheegey ayuu yiri in laba todobaad kadib ay dhaceyso hadaad ka soo gareyso balse waxa uu yiri doorashadii waxa ay dhacaday 19kii bisha taasoo uu ku micneeyay xogayahii hore in doorashadu aheyd mid lala dhuumanyay oo aysan jirin cid la tartantay Saciid Mugaanbe isla markaana laga tagay kooxo xaq u lahaa in ay wax doortaan

Labadaan nin ayaa waxey ka mideysan yihiin sida ay uga soo horjeedaan doorashadii gudoomiyaha xiriirka k/cagta loogu doortay Saciid Maxamed Nuur Mugaanbe, kaasoo 4ta sano ee soo socota kursigaasi ku fadhin doona.

25 kooxood ayaa si gacan taag ah ku doortay hogaanka xiriirka, waxaa taageeray doorashadaasi Wasiirka sportiga Soomaaliya iyo gudiga Olympic-da Soomaaliya.

Caydiid C/raxmaan Aadan

Last Updated on Wednesday, 04 August 2010 00:49
Written by Diirad Desk